Posts

Showing posts from October, 2024

Oracle Corporation: 

  Oracle Corporation: Falanqeyn Dhammeystiran oo Ku Saabsan Taariikhda, Teknoolojiyada, iyo Xallinta xogaha ay qabtaan Oracle October 16, 2024 Hordhac Oracle waa shirkad caan ka ah caalamka teknoolojiyada, oo bixisa adeegyo badan oo isugu jira software, hardware, iyo xalal kalr oo xog-ururinta ku saabsan sidoo kalena heer sare ah. Waxaa la aasaasay sanadkii 1977, iyadoo diiradda saareysay bixinta adeegyada kombuyuutarka oo ganacsiyada iyo dowladaha u suurtogelinaya in ay xogtooda si habsami leh u maareeyaan. Oracle waa hormuudka “Database Management Systems” iyo xalalka “Cloud Computing.” Taariikhda Oracle Oracle waxaa aasaasay Larry Ellison, Bob Miner, iyo Ed Oates, oo ahaa saddex injineero oo doonayay inay horumariyaan nidaam xog-ururin oo xoog leh. Dedaalkooda wuxuu dhaliyay Oracle Database oo markii hore loo yaqaanay “Relational Software Inc.” Sanadkii 1983, shirkadda waxay bedeshay magaceeda kuna magacowday Oracle Systems Corporation, iyada oo ka duulaysa magaca nidaamkeeda xo...

Waa maxay CPI (Consumer Price Index), Maxaase Loo Isticmaalaa?

Image
Skip to content Abdirisak Yusuf Ma.olin  Menu Waa maxay CPI (Consumer Price Index), Maxaase Loo Isticmaalaa? October 22, 2024 CPI (Consumer Price Index) waa mid ka mid ah cabbirrada ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo isbedeladda ku yimaada qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay isticmaalaan macaamiishu. CPI wuxuu ka caawiyaa dowladaha, ganacsiyada, iyo dadka caadiga ah inay fahmaan heerka sicir-bararka ee dhaqaalaha, taas oo muujinaysa isbeddelka awoodda iibsashada ee lacagta waddankaasi. Sidee CPI Loo Xisaabiyaa? CPI waxaa loo xisaabiyaa iyadoo la cabbirayo isbeddelada qiimaha basket alaabooyin ah oo dadka badankoodu iibsadaan. Basket-kan wuxuu ka kooban yahay badeecooyin iyo adeegyo kala duwan oo loo qaybiyo afar qaybood oo waaweyn: 1. Cuntada: Waxaa ka mid ah kharashka la xiriira cunnooyinka kala duwan, sida hilibka, khudaarta, caanaha, iyo raashiinka kale. 2. Tamarta: Qiimaha korontada, gaaska, shidaalka, iyo adeegyadii kale ee tamarta iyaguna waa kuwa dowr muhiim a...