Aragtida Darwin iyo Qur'aanka: Is-diidid mise Is-waafaqid?"

 Taxanaha Aragtida Darwin iyo Qur'aanka: Is-diidid mise Is-waafaqid?— 1 | Sooyaalka Aragtida

——————

November 24,1859: ka dib 20 sano oo baadhis, socdaal, xog ururin, dedaal iyo indho-indhoyn ah, oo shan sano oo ka mid ah uu ku dhammaystay dhabarka doonidiisii caanka ahayd ee Beagal oo kolba meel uu ugu safrayay si uu xog cusub u helo, saynisyahankii Reer Ingiriis ee Charles Darwin waxa uu soo bandhigay buuggiisa caanka ah ee uu ku magacaabay "On The Origin Of Species by means The Natural Selection — أصل الأنواع عن طريق الإنتخاب الطبيعي ", ee markii dambe magaciisa loo soo gaabiyay Asalka Jaadadka (أصل الأنواع), kaas oo uu kaga hadlay aragtida ugu doodda iyo saamaynta badan adduunka ee Dhallanrogadka (Evolution) oo uu ku mashquulsanaa 20 sano oo xidhiidh ah, ahna aragtida kelida ah ee cilmiga Biology-ga ku jirta; isaga oo kaashanaya saaxiibkii Alferd Russel Wallace oo isna ahaa saynisyahan Ingiriis ah, iyo sidoo kale aasaasihii labaad ee aragtida. 


Charles Darwin buuggaa kaga ma hadlin oo wuu ka reebay dhallanrogadka basharka cabsi uu ka qabo bulshadii masiixiyiinta ahayd aawadeeed, se ugu dambayn waxa uu ka qoray buug gaar ah oo uu u bixiyay The Descent of Man and Selection to Sex, oo Carabi ahaan loo turjumay نشأة الإنسان والإنتقاء الطبيعي— Unkamiddii Iinsaanka iyo Doorashada Dabiiciga ah.


Charles Darwin waxa uu Febraury 12, 1809 ku dhashay England, waxa uuna ka dhashay qoys aqooneed. Aabbihii waa Dr Robet Darwin, waxa uuna ahaa saynisyahan bayoolajiyeed. Awoowgiina waa Erasmus Darwin, isna waxa uu ahaa saynisyahan, faylasuuf iyo suugaanyahan weyn, waana raggii Darwin uga hormaray Aragtida Dhallanrogadka. Darwin ma ahayn mulxid sida dad badani ay u malaynnayaan, hal maalinna ma noqon, se waxa uu is ku tirin jiray sannadihii noloshiisa u dambeeyay agnostic (لا أدري). 


Munaasabo ahaanna aad bay u badan yihiin saynisyahannada dhallanrogadka (evolutionary biologists) ee Ilaahay jiritaankiisa iyo abuuristiisa aamminsan, oo tusaale ahaan waxaa ka mid ah saynisyahankii Ruushiyaanka ahaa Theodosius Dobzhansky (1900 - 1975), Francisco J. Ayala (1934 - 2023), Kenneth R. Miller iyo qaar kale oo badan. Halkaana waxa ka cad sheegashada in aragtidu ay Ilaahay jiritaankiisa diidayso in aanay waxba ka jirin.  Sidaa aawadeed ayaa bilowgii aragtidaba culimo waaweyn oo Sheekhii weynaa ee Xuseen al-Jisri — oo ah sheekha is ka leh kitaabka ar-Risaalah al-Xumaydiyah — uu ka mid yahay ay u sheegeen in wax mushkilad ahi aanay iyada iyo Islaamka ka dhexaynnin haddii ay dhabowdo. Charles Darwin marka laga soo tago fikirkiisa iyo aragtidiisa waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa ruux isduldhig badan oo akhlaaq wanaagsan, waxa uuna geeryooday April 19, 1882 isaga oo 73 jir ah. 


Fikradda dhallanrogadku ma ahayn mid la kowsatay Darwin in kasta oo isagu uu dhidibbada u taagay, fikradda Doorashada Dabiiciga (Natural selection) ahna uu keenay, oo sida aynnu sheegnay awoowgii Erasmus Darwin ayaaba uga horreeyay, bal e qarnigii lixaad ee miilaadiga hortii faylasuufkii Giriigga ahaa ee Thales oo ahaa faylasuufyadii loo yaqaannay "Presocratics — ما قبل السقراطيين" ayaa sheegay in noocyada noolayaasha oo dhami ay ka soo unkameen badda. Sidaa si le'eg ayaa faylasuufkii Anaximander oo Thales saaxiibkii iyo ardaygiisii ahaa uu u xusay in noloshu ay ka soo bilaabantay kana soo dhalatay dhoobo, dhoobadaasna uu ka samaysmay kalluunkii u horreeyay; halkaana ay noolayaasha oo dhami ka soo farcameen. Sidoo kale faylasuufkii weynee ee Aristotle — oo ah aasaasaha cilmiga Mandiqa iyo falsafadda Akhlaaqda — ayaa isna ka hadlay dhallanrogadka. 


Dhanka faylasuufyadii muslimiinta, badhtameeyadii qarnigii 9aad ee Miilaadiga faylasuufkii iyo saynisyahankii Reer Ciraaq ee muctasiligaa ahaa ee Jaaxid ayaa ka hadlay dhallanrogadka, isaga oo buuggiisa weyn ee "الحيوان " ku faahfaahiyay, oo tusaalayaal dhawr ah u soo qaatay oo shimbiruhu ay ka mid yihiin.

Comments

Afdheere Yusuf Ma.olin

Sida Loo Maalgashado Bitcoin Iyadoo Laga Faa’iidaysanayo Satoshi: Fursad Maaliyadeed oo Loogu Talo Galay Qof Walba

Bandhigii ugu dambeeyay ee Elon Musk, 

COMFORT ZONE (AAGA RAAXADA)

Network Marketing: Nooc Ganacsi oo Fursado badan Leh