COMFORT ZONE (AAGA RAAXADA)

 COMFORT ZONE (AAGA RAAXADA)

——————————————————

Aaga raaxada (Comfort zone) waa kalmad Psychology ah, waxaana si fudud lagu qeexi karaa goobta uu qof ku dareemi karo amni ama xasilooni (walwal iyo dhibaato la'aan).

In aad ku sugnaato aaga raaxada, waxey ka dhigantahay inaad ka fogaato isbadal nololeed iyo in aad ilaaliso caadooyinkaaga (wanaagsan ama xun) taas oo dib u dhac ku ah noloshaada.

Inta badan dadka dabeecadan leh wax hormar ah masameeyaan, cabsidooda ugu weyn waa iney la kulmaan dhibaato iyo xasilooni la'aan, sidaa awgeed waxey ilaashadaan aagooda raaxada si ey u dareemaan kalasooni.

Si aad u ogaato inaad isku ilaalineyso aagaada raaxada tusaalooyinkan iska raadi ama inaad leedahay kuwa u dhaw:

* Ka shaqeynta hal shaqo mudo dheer adigoo ka cabsanaaya haddii aad isaga tagto inaad dhibaato la kulanto.
* Fadhi ku dirirka macna darada ah ama xaadiritaanka meelaha la iskugu yimaado maalin waliba.
* Yeelashada saaxiibo kooban, adigoo ka fogaanaya dadka kale.
* Cunitaanka cunto gooni ah iyo inaadan tijaabin kuwa cusub.
* Ka fogaanshaha xaaladaha adag ee nolosha.
* Xirashada dhar gooni ah
* Ku celcelinta ficilo isku mid ah maalmo kala duwan.

Tusaalooyinka intan kuma eka, naftaada miisaan oo ka raadi waxa culeeska u keenaya (hoosna u riixaya). Dabcan dadka intooda badan wey leeyihiin caadooyin lamid ah kuwan, adigana kuwaaga soo hel.

Muhiimada qormadan waa in la gaaray SANAD CUSUB (2024) sidaa awgeed waa in aan dhamaanteen ka baxnaa aageena raaxada, si aan u dhadhamino raaxada nolosha (raaxada dhabta ah waxey ku lamaanantahay dhibaatooyinka).

Ugu dambeyn, si aan u xaqiijino hadafyadeena una bilawno bogag cusub oo kamid ah nolosheena waxaan u baahannahay inaan ka fogaano aaga raaxada.

Si aan uga fogaano aaga raaxada waxaan soo xulay talaabooyinka ugu fudud ee noo sahli kara hadafkeena:

* Samee hal wax oo aad jecleyd waligaa inaad sameyso: wuxuu noqon karaa wax waliba. Tusaale; bilaw wax akhris, baro luuqad cusub iwm.
* Badal caadooyinkaaga joogtada ah: caadooyinka qaar wey wanaagsanyihiin balse looma baahna inaad xadka ka bixiso joogteyntooda, sidoo kale kuwa xunna ka bixi noloshaada.
* Kobci xirfadahaaga: isku day inaad yeelato xirfado ka baxsan kuwa aad hadda leedahay, tani waxey kaa caawineysaa inaad la kulanto dad cusub iyo inaad hesho khibrad cusub.
* Dooro cabsi aad leedahay, kadibna wajah: waxaa jiro waxyaabo badan oo aad ka cabsato inaad sameyso, marka hore soo hel cabsidaada kadibna isku day inaad burburiso. Tusaale: haddii aad ka cabsato fagaara ka hadalka isku day inaad wajahdo oo aad ka mira dhaliso sidii aad u baran laheyd xirfadaas.
* Isku day inaad safarto ama aad tagto goobo ka duwan kuwii aad taqaanay: tani waxey kaa fogeyneysaa aaga raaxada iyadoo kuu horseedi karta nolol cusub.
* Jimicsi samee: isku day inaad maalin waliba hesho jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo ah. Jimicsiga wuxuu noqon karaa nooc waliba orod, socod ama inaad gym-ka aado.

Sawirka hoose wuxuu soo koobayaa sidii aad uga bixi laheyd aaga raaxada (comfort zone) oo aad ku gaari laheyd aaga koriinka (growth zone).

14—2024.
-AbdirisakYuusuf.

Comments

Afdheere Yusuf Ma.olin

Sida Loo Maalgashado Bitcoin Iyadoo Laga Faa’iidaysanayo Satoshi: Fursad Maaliyadeed oo Loogu Talo Galay Qof Walba

Bandhigii ugu dambeeyay ee Elon Musk, 

Aragtida Darwin iyo Qur'aanka: Is-diidid mise Is-waafaqid?"

Network Marketing: Nooc Ganacsi oo Fursado badan Leh