Noocyada nimanka ( Types of husbands )
Noocyada nimanka ( Types of husbands )
1- BACHELOR HUSBAND.
Waa Nin wax kasta kaligiis qabsada isagoon la tashan xaaskiisa, wuxuu leeyahay Asxaab faro badan, nolosha guurkuna xiiso kuma hayso.
2- ACIDIC HUSBAND.
Waa qof sida aashitada u karkaraya, xanaaq badan, gacan qaad yaqaan, diktaytar ah, hadalkiisa aan hadal la dul saarin oo laga cabsado.
Qofkaasi waa qof khatar keeni kara.
3- SLAVE HUSBAND.
Waa nin jecel sida boqorka in loola dhaqmo, xaaskiisana u yaqaan addoontiisa ama adeegto had iyo jeer jecel in fadhiga loogu adeego, dhaqamada iyo caadooyinka hore ku dhaggan.
4- GENERAL HUSBAND.
Waa Nin la wada leeyahay, naagaha oo dhan ka dhexeeya, waa ninka naag walba daba orda ee xidhiidhada badan sameeya, marwalba waxa uu lacag siiyaa qofta uu xidhiidhka la leeyahay in ka badan inta uu xaaskiisa siiyo.
5- DRY HUSBAND.
Waa Nin aamusan, markasta jawigiisu aanu fadhiyin, farxaddu ku yartahay, qosolka iyo Kaftanka laga habaaray, guurkiisa lagu caajisayo.
6- PANADOL HUSBAND.
Waa Nin maalinta uu dhib qabsado ama arrin si ka noqdo ama uu wax ka rabo oo kaliya kusoo carara xaaskiisa, waxa uu si fiican u bartay meelaha ay daciif ka tahay, aad buu xariif ugu yahay in waxa uu markaa ka rabo xaaskiisa uu Ku socodsiiyo.
7- PARASITE HUSBAND.
Ninkani waa caajisloow, ma shaqayste ah, wuxuu ku tiirsan yahay xaaskiisa, waxa ay soo shaqayso ayuu quutaa, guriga iyo bannaanka midna kama caawiyo.
8- BABY HUSBAND.
Waa Nin jilicsan , go'aan aan qaadan karin, wax kasta kula carara hooyadiis, qaraabadiisa, saaxiibadiis si ay ula xalliyaan.
9- VISITING HUSBAND.
Waa Nin reerka halmar kasoo dul dhaca, wax walboo adduuna ay rabaan siiya oo agtooda soo dhiga, hase yeeshee waqti iyo kalgacayl dheeraada aan siin .
10- CARING HUSBAND.
Waa Nin aad u jecel reerkiisa, aad u daneeya, wax walba oo ay rabaan oo uu awoodo adduun ha ahaato, waqti ha ahaato, jacayl ha ahaato intaba siiya, waa nin masuula, caawiya reerkiisa marka uu guriga joogo, baarri ah.
Ninkaagii ka dhex raadso.😂
~Diamond.
Comments
Post a Comment
I am constantly assailed by spam comments, being published to my blog, delivered to my Inbox! Is there anything I can do, about the spam, except just keep deleting?