Philsopher Abdulrizack Yusuf

 Wuxuu Yiri : Kama walwal qabo geerida iyo aakhiraba maxaa yeelay wax badan kama ogi qalinka iyo qoraalka sidaas oo ey tahay haddana waxa aan jeclahay inaan gobonimo u dhinto anigoo sameeyay wixii ugu fiicnaa ee aan awooday.


Waxaan doonayaa in ey tegitaankeyga dareemaan dhammaan kuwii aan jeclaa mana rabi inaan xasuustooda ku noqdo sidii hillaac ey mar qura arkeen. Weligeyba inaan maskaxdooda ka dhex guuxo ayaan rabaa anigoo sidii gufaacada u laabqaadaya dareenkooda farxadda, murugada, xanaaqa, daalka, caajiska iyo naceybkaba leh. Waxaan rabaa inaan iska dhex arko dhoollahooda markii ey qoslayaan, dibnahooda marka ey dhunkanayaan iyo ilmadooda markii ey ooynayaan. Inaan riyada kula midoobo ayaan jeclahay aniga oo uga sheekeynaya berisamaadkeennii iyo waxa aan gadaashood la kulmay. Waxa aan doonayaa in ey ii jeclaadaan sidii ey horaba iigu jeclaayeen oo lagu daray wax uun hilow iyo xiise ah mana rabi in ey si fudud ii illoobaan.


Qolkii aan seexan jiray inuu sidiisa ahaado ayaan rabaa. Sariirteyda iyo dharkii aan xiran jirayna waxaan doonayaa iney waayitaankeyga u ilmeeyaan, haddii eysan sidaas awoodin ugu yaraan ineysan oggolaan qof kale inuu gashado amaba ku seexdo ayaan rabaa. Carruurteydu in ey aabbe kale yeeshaan ma jecli, walaalaheyna aniga ayaa uga tacsiyeyna geerida walaalkood ka yar hooyadeyse uma tilmaamayo sida ey yeelayso maxaa yeelay waa qofka keli ah ee yaqaan waxa aan mudanahay. Haddii aan dooran karo inaan soo noolaado, daraaddeed ayaan kun goor u soo noqon lahaa.


Wax kasto oo aan jeclaa  in la ila duugo ayaan rabaa sidii geesi dhintay oo seeftii uu cadowga ku baacsan jiray lala aasay maadaamo aysan jirin cid siduu ugu dagaallami jiray ugu dagaallami karta.  Hana isku dayinina inaad dhammaadka ku qeexdaan geeridayda.

Maya. Dhammaadku waa wax aan jirin.


Abdirsak Yusuf Mo'alin

Comments

Afdheere Yusuf Ma.olin

Sida Loo Maalgashado Bitcoin Iyadoo Laga Faa’iidaysanayo Satoshi: Fursad Maaliyadeed oo Loogu Talo Galay Qof Walba

Bandhigii ugu dambeeyay ee Elon Musk, 

COMFORT ZONE (AAGA RAAXADA)

Aragtida Darwin iyo Qur'aanka: Is-diidid mise Is-waafaqid?"

Network Marketing: Nooc Ganacsi oo Fursado badan Leh