Bandhigii ugu dambeeyay ee Elon Musk, "We, Robot," wuxuu muujiyay sida Tesla ay diiradda u saarayso teknoolojiyadda robotka iyo gaadiidka iswada (autonomous vehicles). Saddexda shey ee ugu muhiimsanaa ee la soo bandhigay ayaa ahaa Optimus, robot humanoid ahh, baabuurka cusub ee Robovan, iyo Robotaxi. 1. Optimus Optimus waa robot humanoid oo uu Elon Musk ku tilmaamay "badeecadda ugu weyn" ee Tesla, iyadoo loo qorsheeyay inuu qabto shaqooyinka maalinlaha ah oo bini'aadamku caadi ahaan sameeyo. Intii lagu jiray bandhigga, robot-yada Optimus waxay soo bandhigeen xirfado aasaasi ah sida qaadista weelasha iyo salaanta dadweynaha, laakiin Musk wuxuu ku adkeystay in mustaqbalka Optimus uu qaban doono shaqooyin adag sida daryeelida xayawaanka iyo adeegyo kale oo guriga ah, sida babysitting iyo xitaa bartending. Waxaa la qorsheynayaa in qiimihiisu u dhaxeeyo $20,000 ilaa $30,000, taas oo ka dhigeysa robot ganacsi ahaan loo heli karo oo qayb ka noqon kara nolosheena maali...
Comments
Post a Comment
I am constantly assailed by spam comments, being published to my blog, delivered to my Inbox! Is there anything I can do, about the spam, except just keep deleting?