Posts

Showing posts from February, 2024

Philsopher Abdulrizack Yusuf

 Wuxuu Yiri : Kama walwal qabo geerida iyo aakhiraba maxaa yeelay wax badan kama ogi qalinka iyo qoraalka sidaas oo ey tahay haddana waxa aan jeclahay inaan gobonimo u dhinto anigoo sameeyay wixii ugu fiicnaa ee aan awooday. Waxaan doonayaa in ey tegitaankeyga dareemaan dhammaan kuwii aan jeclaa mana rabi inaan xasuustooda ku noqdo sidii hillaac ey mar qura arkeen. Weligeyba inaan maskaxdooda ka dhex guuxo ayaan rabaa anigoo sidii gufaacada u laabqaadaya dareenkooda farxadda, murugada, xanaaqa, daalka, caajiska iyo naceybkaba leh. Waxaan rabaa inaan iska dhex arko dhoollahooda markii ey qoslayaan, dibnahooda marka ey dhunkanayaan iyo ilmadooda markii ey ooynayaan. Inaan riyada kula midoobo ayaan jeclahay aniga oo uga sheekeynaya berisamaadkeennii iyo waxa aan gadaashood la kulmay. Waxa aan doonayaa in ey ii jeclaadaan sidii ey horaba iigu jeclaayeen oo lagu daray wax uun hilow iyo xiise ah mana rabi in ey si fudud ii illoobaan. Qolkii aan seexan jiray inuu sidiisa ahaado ayaan raba...

Noocyada nimanka ( Types of husbands ) 

 Noocyada nimanka ( Types of husbands )  1- BACHELOR HUSBAND. Waa Nin wax kasta kaligiis qabsada isagoon la tashan xaaskiisa, wuxuu leeyahay Asxaab faro badan, nolosha guurkuna xiiso kuma hayso.  2- ACIDIC HUSBAND.  Waa qof sida aashitada u karkaraya, xanaaq badan, gacan qaad yaqaan, diktaytar ah, hadalkiisa aan hadal la dul saarin oo laga cabsado. Qofkaasi waa qof khatar keeni kara.  3- SLAVE HUSBAND. Waa nin jecel sida boqorka in loola dhaqmo, xaaskiisana u yaqaan addoontiisa ama adeegto had iyo jeer jecel in fadhiga loogu adeego, dhaqamada iyo caadooyinka hore ku dhaggan.  4- GENERAL HUSBAND. Waa Nin la wada leeyahay, naagaha oo dhan ka dhexeeya, waa ninka naag walba daba orda ee xidhiidhada badan sameeya, marwalba waxa uu lacag siiyaa qofta uu xidhiidhka la leeyahay in ka badan inta uu xaaskiisa siiyo.  5- DRY HUSBAND. Waa Nin aamusan, markasta jawigiisu aanu fadhiyin, farxaddu ku yartahay, qosolka iyo Kaftanka laga habaaray,  guurkiisa lagu c...

COMFORT ZONE (AAGA RAAXADA)

 COMFORT ZONE (AAGA RAAXADA) —————————————————— Aaga raaxada (Comfort zone) waa kalmad Psychology ah, waxaana si fudud lagu qeexi karaa goobta uu qof ku dareemi karo amni ama xasilooni (walwal iyo dhibaato la'aan). In aad ku sugnaato aaga raaxada, waxey ka dhigantahay inaad ka fogaato isbadal nololeed iyo in aad ilaaliso caadooyinkaaga (wanaagsan ama xun) taas oo dib u dhac ku ah noloshaada. Inta badan dadka dabeecadan leh wax hormar ah masameeyaan, cabsidooda ugu weyn waa iney la kulmaan dhibaato iyo xasilooni la'aan, sidaa awgeed waxey ilaashadaan aagooda raaxada si ey u dareemaan kalasooni. Si aad u ogaato inaad isku ilaalineyso aagaada raaxada tusaalooyinkan iska raadi ama inaad leedahay kuwa u dhaw: * Ka shaqeynta hal shaqo mudo dheer adigoo ka cabsanaaya haddii aad isaga tagto inaad dhibaato la kulanto. * Fadhi ku dirirka macna darada ah ama xaadiritaanka meelaha la iskugu yimaado maalin waliba. * Yeelashada saaxiibo kooban, adigoo ka fogaanaya dadka kale. * Cunitaanka cu...

Aragtida Darwin iyo Qur'aanka: Is-diidid mise Is-waafaqid?"

 Taxanaha Aragtida Darwin iyo Qur'aanka: Is-diidid mise Is-waafaqid?— 1 | Sooyaalka Aragtida —————— November 24,1859: ka dib 20 sano oo baadhis, socdaal, xog ururin, dedaal iyo indho-indhoyn ah, oo shan sano oo ka mid ah uu ku dhammaystay dhabarka doonidiisii caanka ahayd ee Beagal oo kolba meel uu ugu safrayay si uu xog cusub u helo, saynisyahankii Reer Ingiriis ee Charles Darwin waxa uu soo bandhigay buuggiisa caanka ah ee uu ku magacaabay "On The Origin Of Species by means The Natural Selection — أصل الأنواع عن طريق الإنتخاب الطبيعي ", ee markii dambe magaciisa loo soo gaabiyay Asalka Jaadadka (أصل الأنواع), kaas oo uu kaga hadlay aragtida ugu doodda iyo saamaynta badan adduunka ee Dhallanrogadka (Evolution) oo uu ku mashquulsanaa 20 sano oo xidhiidh ah, ahna aragtida kelida ah ee cilmiga Biology-ga ku jirta; isaga oo kaashanaya saaxiibkii Alferd Russel Wallace oo isna ahaa saynisyahan Ingiriis ah, iyo sidoo kale aasaasihii labaad ee aragtida.  Charles Darwin buuggaa k...

"Aragtida Darwin iyo Qur'aanka: Is-diidid mise Is-waafaqid?"

 Waxaynu soo gudbin doonnaa taxanaha "Aragtida Darwin iyo Qur'aanka: Is-diidid mise Is-waafaqid?" Qaybta 1aad: Taariikhda Aragtida Qaybta 2aad: Waa maxay Dhallan-rogadku (Evolution)? Qaybta 3aad: Adillooyinka Aragtida Qaybta 4aad: Naqdinta Aragtida  Qaybta 5aad: Qur'aanka iyo Aragtida: Xoojin mise Burin?  La socod wanaagsan idamka Alle. Waxa diyaariyey Ustaad Cabdirisaaq yusuf.Macalin.